Xavi Oo Kashifay Wixii Uu U Sheegay Kooxdiisa Qaybtii Nasashada Ee Ku Hogaamiyay Guusha Soo Laabashada Kulankii Osasuna.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Osasuna kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Osasuna kulan ay 10 xiddig ku dhamaystay inta badan ee ciyaarta.

Xavi ayaana sheegay waxa uu u sheegay xiddigihiisa qaybtii Nasashada si ay guul soo laabasho leh uga gaadhaan kulanka oo gool looga hor maray.

“Qaab ciyaareed weyn, waa in aan ku faano kooxda”ayuu Xavi yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa aan u difaacanay si fiican qaybtii dambe, qaybtii Nasashada waxa aan u sheegay in ay kulasooni muujiyaan isla markaas ay muujiyaan kartidooda, labadaba way i tuseen”

“La Liga-ha waxa aan u ciyaaraynaa si fiican waa in aan ku faano kooxda isla markaas ku kalsoonaano, ujeedka xilli ciyaareedkan waa in aan u tartano ku guulaysiga horyaalka”