Xavi Oo Ka Farxiyay Barcelona, Miyuu Tababare U Noqon Karaa Kooxda.

Xavi Hernandez ayaa ku riyoonaya inuu tababare u noqdo Barcelona, ​​qaar badan oo ka mid ah kooxda ayaana rajeynaya inay arkaan xiddigii hore ee qadka dhexe oo qabta shaqada kooxda wakhti dhaw.

Iyada oo cadaadis uu saaran yahay Ronald Koeman xilli ciyaareedkan, magaca Xavi ayaa mar kale lala xiriirinayaa jagada, sidii ay ahaan jirtay ka hor inta uusan tababaraha reer Holland laftiisu qaban shaqada.

“Dalab kasta waa la qiimeyn doonaa ka dibna go’aan ayaa la gaari doonaa” ayuu Xavi yidhi kadib markii wax laga waydiiyay in uu tababare u noqon karo Barcelona.

“Ma aqaan halka uu mustaqbalkeygu i geyn doono, laakiin wax walba waan u furan ahay”ayuu sii raaciyay.

Kooxda Barcelona ayaa suuqa ugu jirta tababare cusub iyada oo la filayo in uu Ronald Koeman waayo shaqadiiisa wakht dhaw hadii ay tahay xagaaga ama isla xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*