Xavi Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Kadib Xiisaha Chelsea.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang u sheegay in uu ka qayb yahay qorshihiisa kooxda kadib markii ay Chelsea xiiso u muujisay saxiixa xiddiga.

Chelsea ayaa wadahadalo la yeelatay Barcelona todobaadkan iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu xoojiyaan weerarka xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu xiddigiisii hore la midoobo si uu ugu badalo xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ka tagay kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo, Xavi ayaa si cad ugu sheegay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona diidi doonto dalab walba oo ay chelsea ka soo gudbiso saxiixa xiddiga reer Gabon si ay u sii haysato xiddiga.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 13 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*