Xavi Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Memphis Depay, Maxaa Cusub.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddiga Memphis Depay u sheegay in uu isaga tagi karo kooxda Barcelona inta lagu jiro suuqa January.

Xiddiga reer Netherlands ayaa dhaliyay 8 gool isla markaas caawiye ka noqday 3 kale 23 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Memphis ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah waxana uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa todobaadyadii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay Sport, Xavi ayaa xiddiga 27 jirka ah u sheegay in uu isaga tagi karo suuqa January maadama uuna ku jirin qorshihiisa kooxda.

Xavi ayaa aaminsan in weerarka Barcelona ay noqon doonaan xiddigaha Ferran Torres, Ansu Fati iyo Martin Braithwaite marka uu dhaawaca ka soo laabto.

Sidoo kale Xavi ayaa ku qancay qaab ciyaareedka Luuk De Jong kaas oo kulamadii ugu dambeeyay kooxda goolal u dhaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*