Xavi Oo Dalban Doona 5 Saxiix Oo Cusub Hadii Uu Tababare U Noqo Barcelona.

Xavi ayaa cadeeyay inuu Barcelona ka codsan doono shan saxiix inay sameeyaan haddii uu kooxda la wareego, sida ay sheegtay El Nacional.

Ma jiraan magacyo gaar ah oo la sheegayo laakiin waxa jira boosas uu doonayo in uu xoojiyo mustaqbalka.

Booska ugu sareeya ee dookha Xavi ayaa ah xiddig khadka dhexe ka ciyaara oo waliba ka ciyaari kara booska kubad sameeyaha nidaamka 4-3-3.

Xavi ayaa sidoo kale doonaya in uu la soo saxiixdo 2 xiddig oo garbaha daafaca ah sida David Alaba sidoo kale ku fiican dhanka weerarka.

Sidoo kale Xavi ayaa doonaya xiddig garabaha ka ciyaari kara oo ku fiican gambiska xiddigaha kale iyo ugu dambayn weeraryahan tayo leh oo kooxda u dhalin kara goolal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*