Xavi Oo Calaameystay Xiddig Cajiib Ah , France Ayuu Ka Ciyaaraa

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay qorsheynayaan in ay la soo saxiixdaan Caio Henrique, daafaca bidix ee Monaco, inta lagu jiro xilliga jiilaalka ama suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Inkasta oo ay Barcelona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kala soo wareegtay isla markaana ay la soo wareegtay daafac bidix oo cusub – Marcos Alonso oo reer Spain ah ayay kooxdu doonaysaa in ay khadkan ku xoojiso ciyaartoy cusub.

Rabitaanka Barcelona ee ah inay la soo wareegto daafac bidix cusub ayaa yimid ka dib markii Jordi Alba, oo ah xiddiga kooxda, uu ku dhawaanayo in uu baxo  inta lagu guda jiro suuqa jiilaalka, ka dib markii xagagaii loo badiyay balse macalin Xavi uu is hor taagay

Barca ayaa si fog u baadi goobeysa laacibkaas reer Moanco kaasi oo bandhig wacan ku jira , afar gool ayuu ku dhaliyay 5 kulan oo xilli ciyaareedkaan ah

Barca waxa ay biloowday haatan wadahadallo ay la sii fureyso Monaco si wiilkaas u helaan biloowga cusub ee sanadka dambe

Hishiiska Caio Henrique ee Moanco waxa uu dhacayaa 2027-da waxa uuna 25 sano jirkaan xilli ciyaareedkaan  u saftay  Monaco 8 kulan