Xavi: Halkan Arin Ayaan Kaga Yaabay Robert Lewandowski

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa amaanay qaab ciyaareedka Robert Lewandowski ka dib markii ay kooxdiisu 3/0 ku garaacday Elche kulan ka tirsanaa horyaalka Spain.

Ciyaarta oo uu martigeliyay garoonka Camp Nou, ayaa waxaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay Lewandowski oo dhaliyay labo gool isaga oo sii wata qaab ciyaareedkiisa fiican ee La Liga.

Xavi oo ka hadlaya xiddigiisa ayaa yidhi”Waxa iga yaabiyay Lewandowski qof aan isla weynayn, waana xirfadle arintaasna shaki noogama jirin”.

“Guushan waxa ay ahayd mid noo muhiim ah, waxa uu kulanku ahaa mid adag markii ciyaartu isku dheeli tirnayd laakiin markii kaadhka looga saaray xiddig wax walba way fududaadeen wanan ku raaxaysanay ciyaarta”.

Xiddiga Lewandowski ayaa dhaliyay 8 gool 6 kulan oo horyaalka La Liga ah oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*