XASUUSIN: Halkee La Kala Marayaa Gool Dhalinta Europa Leaggue Xilli Ciyaareedkan

Tartanka UEFA Europa League ayaa si Rasmi ah dib ugu bilaaban doona habeen dambe kadib markii in ka badan 4 bilood la joojiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Tartanka ayaa maraya wareega 16-ka waxana ku dagaamaya kooxo waaweyn oo reer yurub ah kuwaas oo ay ka go’antahay in ay kor u qaadaan koobka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale waxa tartnka ka ciyaara xiddigo badan oo heer caalami ah kuwaas oo doonaya in ay kooxdooda ku hogaamiyaan koobka.

Hadaba kadib muddo markii laga maqnaa tartanka waxa aan go’aansanay in aan Akhristayaasha iyo taageerayaasha kooxaha ka qayb galay xanuusino tartanka gool dhalinat tartanka Europa League.

Tartanka loogu jiro gool dhalinta Europa League ayaa ah mid aad u adagiyada oo xiddigaha ka qayb galay tartanka aad isugu dhawyihiin dhanka goolasha.

Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa hogaaminaya gool dhalinta Europa League isaga oo 6 gool ku soo dhaliyay kooxdiisii Sporting Lisbon ka hor intii uuna ku soo biirin man United.

Laakiin Bruno ayaan kali ahayn laakiin waxa la goolal ah 5 xiddig oo kale kuwaas oo dhaliyay min 6 gool tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Hadaba Halkan hoose kaga bogo xiddigaha ugu goolasha badan Europa League:

Bruno Fernandes (Sporting CP/Manchester United) 6 Gool

Daichi Kamada (Eintracht Frankfurt) 6

Andraž Šporar (Slovan Bratislava/Sporting CP) 6

Alfredo Morelos (Rangers) 6

Edin Višća (İstanbul Başakşehir) 6

Diogo Jota (Wolves) 6

Munir (Sevilla) 5

Mason Greenwood (Manchester United) 5

Marko Raguz (LASK) 5

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Shiinaha Oo Watfi Culus U Diraya Somaliland & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*