XASUUQ Macalinka Manchester United Ten Hag ayaa kabaha ladulmaray Klopp & Kooxda Liver 4-0

Tababaraha kooxda Manchester United Eric Ten Hag ayaa hadlay ka dib markii ay garaaceen Liverpool   ciyaartii saaxiibtinimo ee labada kooxood ay isku arkeen.

Manchester United ayaa 4-0 ku garaacday Liverpool ciyaar saaxiibtinimo, Tin Hag ayaana la hadlay MUTV.

“Waan faraxsanahay maanta, waxa ay ahayd koox  fiican, waxaana ognahay inaan hadda bilownay,” ayuu yiri Ten Hag.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan sameynay qaladaad cadaadis ah, waxaana sameynay fursado, laakiin wax badan ayaan abuurnay, waa inaan ku dadaalnaa inaan saxno qaladaadka, laakiin dabcan waan ku faraxsanahay.”

“Waan ogahay in aan heysano ciyaaryahano wanaagsan, waxaan bilaabaynaa inaan dhisno koox, waana ku faraxsanahay kulanka ugu horeeya, waqti badan ayay qaadan doontaa,” ayuu hadalkiisa kusii daray Ten Hag.

Tababaraha Manchester United ayaana hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan arkay qaladaad badan, Liverpool waxayna ku ciyaareysay seddex kooxood, ma aysan aheyn kuwa ugu xoogan, ma qiimeyn doono natiijadaan.