XASAASI: Xul Ku Hanjabay In Ay Ka Bixi Doonaan Euro 2024, Sabab

Serbia ayaa ku hanjabtay inay ka bixi doonto Euro 2024 ka dib markii ay codsi u gudbisay UEFA.

Xulka Dragan Stojkovic oo ka qeyb galaya tartankii ugu horeeyay ee koobka qaramada qaarada yurub iyaga oo ah wadan madax banaan ayaa guuldaro kala kulmay kulankii furitaanka Group C ee ay la ciyaareen England.

Waxaa galabta oo Khamiis ah lagu wadaa inay garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich ku wajahaan Slovenia balse mustaqbalkooda tartanka xagaagan ayaa shaki la geliyey.

Serbia ayaa ku andacoonaysa in taageerayaasha dalalka Balkanka ee Croatia iyo Albania ay ku dhawaaqayeen “Dila, Dila, Dila Serb” ciyaartii Arbacadii 2-2 ku dhamaatay ee Volksparkstadion ee Hamburg.

Jovan Surbatovic, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Serbia, ayaa gudbiyay codsi ah in UEFA isaga oo codsadsy in ay ciqaab mariyaan taageerayaasha labada dal.

Xita wuxuu ka digay in Serbia ay diyaar u tahay inay ka baxdo tartanka haddii aan tallaabo la qaadin.

“Ugu horeyn, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo taageereyaasheena taageeradooda kulankii England, waxaana rajeynayaa inaan garaaci doono Slovenia,” ayuu u sheegay RTS.

“Wixii dhacay waa fadeexad, waxaana UEFA weydiisan doonaa ganaax, xitaa haddii ay la macno tahay inaan tartanka la sii wadin”.

“Waan hubnaa in la ciqaabi doono, sababtoo ah waxay haatanb tartanka ka saareen saxafi isku sheega ka Soo jeeda Albania”.

Surbatovic ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan ka dalban doonaa UEFA inay ciqaabto xiriirka labada xul, ma dooneyno inaan ka qeyb galno taas, laakiin hadii UEFA aysan ciqaabin, waxaan ka fikiri doonaa ka baxno tartank”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga