XASAASI: Xidhiidhka La Liga Oo Barcelona Ka Hor Istaagi Kara In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Lionel Messi.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxweynaha La Liga Javier Tebas saaka isagoo doonaya inuu xal ka gaaro heshiis kordhinta Lionel Messi sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Xiddiga reer Argentine ayaa haatan ah xiddig xor ah kadib markii uu heshiiskiisa Barcelona dhacay 30 bishii La soo dhaafay laakiin kooxda ayaa wali doonaysa in ay sii haysato xiddiga.

Messi sidoo kale ayaa sidoo kale doonaya in uu sii joogo kooxda inkasta oo uu xagaagii hore isku dayay in uu kooxda ku qasbo in uu isaga tago kooxda laakiin lacagta lagu bur-burinayay heshiiskiisa ayaa u diiday in uu boxo.

Barcelona ayaa haatan gaadhay xadka mushaharkaadka xiddigaha taas oo ka hor istaagaysa in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Lionel Messi.

Haatan Laporta ayaa si toos ah u aaday La Liga si uu u xaliyo xaalada sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inkasta oo ay Barcelona ku rajo weyntahay in ay sii haysato xiddiga hadana waxa ay ka cabsi qabtaa in xeerka mushaharka u yaala La Liga ka hor istaago in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*