XASAASI: Xiddiga Liverpool Ah Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Wargayska ka soo baxa dalka Cameroon ee Daily News Cameroon ayaa qarxiyay lama filaan kadib markii uu sheegay in daafaca kooxda Liverpool ee Joel Matip laga helay xanuunka Coronavirus.

Wargayska ayaa sheegaya in daafaca Liverpool baadhitaan maray maalmihii la soo dhaafay iyada oo baadhitaankaas xaqiijiyay in uu xiddigu qabo xanuunka Coronvirus.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arintaas Liverpool ku qasabtay in ay xidho dhamaan wax walba oo la xidhiidha kooxda sida garoonada tababarka iyo waliba bakhaarada lagu iibiyo maaliyadaha.

Sidoo kale kooxda ayaa baadhitaan buuxa ku samaysay dhamaan xiddigaha kooxda 1-aad, kooxaha da’yarka iyo waliba kooxda dumarka kadib markii Matip laga helay xanuunka.

Waxa xusid mudan in ayna Liverpool ilaa haatan xaqiijin warkaas iyaga oo xiddigaha kooxda ku qasbay in ay joogaan guryohooda halkaasna u qaataan tababar kali ah.

Advertisements

صحيفة كاميرونية تؤكد اصابة جويل ماتيب بفيروس كورونا المستجد

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*