XASAASI: William Saliba Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Arsenal, Sabab.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal sabab la xidhiidha in ay kooxaha ugu waawen yurub xiiso u muujinayaan saxiixiisa.

Kadib 3 sano oo niyad jab leh oo uu ku qaatay Arsenal isla markaas amaah uga tagay kooxda, xiddiga 21 jirka ah ayaa muhiim ka noqday kooxda Arsenal isaga oo dhamaan ciyaaray kulamada premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga oo haatan joogto ugu ciyaara xulka France ayaa la filayaa in uu qiimihiis kor u koco hadii uu si joogto ah ugu ciyaaro xulkiisa koobka adduunka.

Saliba ayay 18 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa Arsenal, Gunners ayaana doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga iyaga oo doonaya in ay ka fogaadaan in uu xiddigu galo sanadkiisa ugu dambeeya ee heshiiska.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay The Athletic, Saliba ayaa diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda sabab la xidhiidha in uu haatan mustaqbalkiisa ku haysto gacantiisa kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay.

Laakiin xiddiga ayaa aaminsan in uu helo doono dalabyo uga yimaada kooxaha ugu waaweyn kubada cagta sida Real Madrid, Bayern Iyo PSG hadii uu sii wado qaab ciyaareedkiisa fiican sidaas darteed ma doonayo in uu ku deg-dego heshis cusub oo uu u saxiixo Arsenal.