XASAASI: Wakhtiga Uu Kylian Mbappe Ku Biiri Doono Real Madrid Oo La Ogaaday.

Paris Saint-Germain's French forward Kylian Mbappe reacts after missing a goal opportunity during the French L1 football match between Paris Saint-Germain and Montpellier at the Parc des Princes stadium on February 20, 2019. (Photo by Thomas SAMSON / AFP) (Photo credit should read THOMAS SAMSON/AFP/Getty Images)

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo wajahanyahay kooxda PSG sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Saxafiga reer Spain ee Josep Pedrerol ayaa sheegay in uu Mbappe ku biiri doono Real Madrid suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan markaas oo uu hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda PSG.

“Waxa aan aaminsanahay in ay Real Madrid la soo saxiixan doonto xiddigaha Kylian Mbappe,Erling Haaland iyo David Alaba”ayuu Josep Pedrerol ka sheegay Barnaamijkiiisa ‘El Chiringuito.

“Alaba way fududahay saxiixiisa sidoo kale waxa Real Madrid iman doona Haaland hadii ay Dortmund Ogolaato”.

“Laakiin waxa aan ogahay in ay Real Madrid ku kalsoontahay saxiixa Mbappe”.

“Waxan u malaynayaa in imaatinka Mbappe ee Real Madrid ka fududahay marka loo bar-bar dhigo Haaland”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*