XASAASI: Wakhtiga Barcelona Ay Shaqada Ka Caydhin Doonto Quique Setién Oo La Ogaaday.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu in uu maanta kulan xasaasi ah la qaato tababaraha kooxda ee Quique Setién kadib markii ay Barcelona guuldaro lama filaan ah kala kulantay Osasuna horyaalka La Liga.

Saxafiga ku dhaw Barcelona Alfredo Martínez ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu Josep Maria Bartomeu kulan xasaasi ah la qaadan doono tababare Quique Setién saacadaha soo socd.

Isla saxafiga ayaa sheegay in aan la filayn in go’aanka kama dambaysta ah la qaadan doonin Maanta laakiin aad loo filyao in uuna tababare Quique Setién kooxda sii hogaamin doonin maalmaha so socda.

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa in ay Quique Setién shaqada ka caydhiso ka hor kulanka Champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Napoli bisha Dambe.

Barcelona ayaa horyaalka La Liga u wayday kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan iyaga oo waliba guuldaro kala kulmay koox 10 xiddig ah kulankii Osasuna.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Beesha Caalamka Runta Uga Sheegtay Sababta Ay Dib Ugu Dheceen Wadahadaladii Somaliland & Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*