XASAASI: Wakhtiga Ay Man City Wadahaladada La Furayso Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Kooxda Man City aya lagu soo waramayaa in ay ku rajo weyn tahay in ay hesho saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ugu cad-cadaa saxiixa xiddiga reer Argentine intii lagu jiray suuqii xagaaga markaas oo uu si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago Barcelona.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay Man City haatan isku diyaarinayso in ay si dhab ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga si ay u hesho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Man City wadahadalo Rasmi ah la furi doonto xiddiga bisha March ama Aril si ay heshiis ula gaadhaan.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxdu ka aamusnaan doonto xaalada halkii ay wargaysyada marin lahayd xiisohooda sida ay kooxda PSG haatan samaynso.

Kooxda ayaa aaminsan in arintaas ka caawin doonto in ay PSG ku garaacdo saxiixa xiddiga marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Dhanka kale ilo wareedyo ku dhaw Lionel Messi ayaa sheegaya in aanu xiddigu jeclayn hadal haynta badan ee ka jirta mustaqbalkiisa isaga oo ka xanaaqsan xiddigaha iyo masuuliyiinta kooxda PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*