XASAASI: Wakhtiga Ay Barcelona Shaqada Ka Caydhin Doonta Quique Setien Oo La Ogaaday & Hal Arin Oo Arintaas Joojin kara.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Quique Setien dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ayna Fiicnaan natiijooyinka kooxdu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kuna guulaysan horyaalka La Liga ama Champions League.

Tababare Quique Setien oo bishii January qabtay shaqada tababaranimo ee kooxda ayaa lumiyay kalsoonida xiddigaha kooxda Barcelona xilli ayna maamulka kooxdu ku faraxsanayn natiijooyinka kooxda ee kulamadii ugu dambeeyay.

Hadii ayna kooxdu soo bandhigin qaab ciyaareed fiican inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waxa la fahamsanyahay in uu Quique Setien isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Tababarihii hore ee Real Betis ayaa ayaa saxiixay heshiis 2 sano iyo badh ah bishii Jnauary laakiin sida ay haatan wax yihiin waxa uu ka tagi doonaa kooxda bilo yar kadib.

Xiddigaha Kooxda ugu waaweyn ee ay hogaaminayaan Lionel Messi & Gerard Pique ayaa la sheegayaa in ay ka soo hor jeedaan tababare Setien sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa iyaga oo aan ku faraxsanayn

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*