XASAASI: UEFA Oo Shaacisay Ganaaxyada 9 Kooxood Oo Ka Mid Ah Kooxihii Ku Midoobay European Super League

Xidhiidhka kubada cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa shaacisay in ay ciqaab dusha ka saartay 9 ka mid ah 12-kii kooxood ee aas-aasay tartanka European Super League.

Kooxaha Real madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Juventus, Ac Milan, Inter Milan, Man United,Man City, Arsenal, Tottenham iyo chelsea ayaa ka mid ah kooxihii aas-aasay tartankii muranka badan dhaliyay ee European Super League.

Laakiin tartanka ayaa bur-buray kadib markii ay inta badan kooxihii aas-aasay ka bexeen iyada oo ay kaliya kooxaha Juventus, Barcelona iyo Real Madrid yihiin kooxaha wali ku hadhay tartanka.

UEFA ayaa shaacisay in ay UEFA dusha ka saartay kooxaha Liverpool, Man United, Man City, Man United, Arsenal, Chelsea, Tottenham, Inter Milan iyo Ac Milan.

Xidhiidhka ayaa sheegay in ay kooxaha kor ku xusan dusha ka saartay ganaax ay 5% uga jarayso lacagaha ay ka helaan tartamada yurub muddo sanad ah iyo waliba in ay ku xukuntay kooxahaas in ay lacag dhan 15 milyan ah ku caawiso taageerayaasha kubada cagta gaar ahaan caruuraha jecel kubada cagta laakiin ayna u suurtagalin in ay ciyaaraan.

Kooxaha 3-da ah ee Juventus, Barcelona iyo Real Madrid ayaa lala tiigsan doonaa xeerar kale iyada oo dusha laga saari doono ganaaxyo ka adag sabab la xidhiidha in ay wali ku jiraan tartanka European Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*