XASAASI: UEFA Oo Fariin U Dirtay Kooxaha Ogolaaday Tartanka European Super League & Koobabkii Champions League Ee Ay Ku Guulaysteen Oo Laga Qaadayo

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa lagu soo warmayaa in ay fariimo u dirtay kooxaha ogolaaday ka qayb galka tartanka European Super League sida ay sheegayaan wararku.

Kooxaha ugu waaweyn ee qaarada yurub ayaa ogolaaday in ay ka qayb galaan tartanka European Super League kadib markii la shaaciyay tartanka oo ay ku midoobeen kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, AC Milan, Arsenal, Chelsea, Inter, Juventus, Liverpool, Manchester City, Manchester United & Tottenham ayaa ah kooxaha Aas-Aasay tartanka European Super League.

Laakiin UEFA ayaa haatan Fariin u dirtay dhamaan kooxaha ogolaaday in ay ka qayb galaan tartanka European Super League iyaga oo u diray Hanjabaad adag.

UEFA ayaa kooxaha u sheegtay in gabi ahaan laga qaadi doono koobabka Champions League ama Europa League ee ay ku guulaysteen sidoo kale laga tir-tiri doono taariikhdooda in ay ku guulaysteen.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*