XASAASI: Tottenham Oo Sabab U Ah Fashilka Heshiiskii Cusubaa Ee Lionel Messi & Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uuna xiddigeeda Lionel Messi uu si Rasmi ah uga tagay kooxda waliba uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kadib markii uu heshiiskiisu dhacay bishii June.

Wargayska MARCA ayaa haatan shaaca ka qaaday in sababta uu u bur-buray heshiis kordhinta lionel Messi ay tahay dalabaadka xiddiga reer Argentine.

Waxa ay u muuqatay in uu Lionel Messi qalinka ku duugayo heshiis cusub oo Barcelona ah laakiin haatan arintaas ayaa meesha ka baxday iyada oo Barcelona xaqiijisay in uu xiddigu ka tagayo kooxda.

Mid ka mid ah dalabaadka Lionel Messi uu hor dhigay Barcelona ayaa ahayd in ay kooxdu la soo saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atalanta iyo xulka qaranka Argentine ee Cristian Romero iyada oo uu Messi dareemay in saxixa daafacaas uu xoojinayo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin kooxda Tottenham ayaa Barcelona ku garaacday saxiixa daafaca iyada oo uu Romero haatan ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Tottenham.

Arintaas ayaa sabab u noqotay in uu dib u bilowdo muranka kooxda Barcelona iyo xiddiga Lionel Messi ugu dambayna keentay in uu bur-buro heshiiskii cusbaa ee la filayay in uu saxiixo xiddigu.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*