XASAASI: Supercomputer Oo Sameeyay Saadaasha Kama Dambaysta Ah Ee Premier League & Lama Filaano Lagu Arkay.

supercomputer ayaa sameeyay saadaasha kama dambaysta ah ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League 2020/2021 xilli la galayo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

supercomputer ayaa Kooxda Liverpool u saadaaliyay in ay ku guulaysan doonto horyaalka premier league xilli ciyaareedkan iyaga oo 3 dhibcood kaga qaadi doona kooxda Tottenham marka la ciyaaro dhamaan 38-ka kulan ee xilli ciyaareedka.

Reds ayaa haatan ku jirta kaalinta 1-aad iyada oo 4 dhibcood ka horaysa kooxda Leicester City laakiin kooxda Foxes ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto meel ka baxsan boosaska champions league.

Kooxda Aston Villa ayaa si lama filaan ah loogu saadaaliyay in ay horyaalka kaga dhamaysan doonto kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda loo saadaaliyay in ay kaalinta 4-aad kaga dhamaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer Manchester ayaa loo saadaaliyay in ay seegi doonaan dhamaan tartamada yurub iyada oo Man United loo saadaaliyay kaalinta 8-aad halka Man City loo saadaaliyay kaalinta 9-aad.

Kooxda Arsenal ayaa loo saadaaliyay kaalinta 16-aad iyada oo kaliya 10 dhibcood kaga badbadi doonta ka hadhista horyaalka premier League.

The final Premier League table has been predicted

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*