Kooxda Real Madrid ayaa shaacisay in uu dhaawac soo gaadhay xiddiga ugu muhiimsan kooxda ee Kylian Mbappé.
Naadigu wuxuu yiri:
“Ka dib markii maanta baaritaanno lagu sameeyay ciyaaryahankeenna Kylian Mbappé oo ay sameeyeen adeegyada caafimaadka ee Real Madrid, waxaa la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac jilibka ah, Xaaladdiisa caafimaadna waa la sii la socon doonaa.”
Sida ay sheegeen warbixino badan oo warbaahinta ah, xiddiga reer France wuxuu ka maqnaan doonaa Real Madrid muddo gaari karta ugu yaraan 3 toddobaad.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Mbappé ka maqnaan doono kulanka Real Betis ee Koobka Super-ka Spain, iyo sidoo kale kulanka Levante.
Be the first to comment