XASAASI: Real Madrid Oo Ka Fiirsanaysa In Ay Shaqada Ka Caydhiso Zinedine Zidane & Laba Tababare Oo Ay Midkood Ku Badali Doonto.

Mustaqbalka Zinedine Zidane ee Real Madrid ayaa halis ku jira kadib guuldaradii weynayd ee Real Madrid ka soo gaadhay kooxda Valencia ee 4/1 ahayd

Kooxda Real Madrid ayaa ku jirta wakhti adag kadib markii ay kooxdu heshay natiijooyin adag kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Wargayska CalcioMercato ayaa sheegaya in uu mustaqbalka Zidane khatar ku jiro iyada oo kooxdu ka fiirsanayso in ay shaqada ka caydhiso todobaadyada soo socda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna Real Madrid go’aan ka gaadhi doonin mustaqbalka tababaraha inta lagu jiro fasaxa xulalka laakiin uu madaxweynaha Real Madrid diyaarsaday tababaryaal uu ku badali doono tababaraha reer France.

Tababaraha ugu horeeya ee ay Real Madrid ka fikirayso in ay shaqada kaga badasho Zidane ayaa ah Halyeeyga kooxda ee Raul kaas oo haatan hogaamiya kooxda da’yarka.

Tababaraha kale ayaa ah tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino kaas oo bilaa koox ah waliba aan qarsan rabitaankiisa in uu tababare u noqdo kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*