XASAASI: Real Madrid Oo Door Ku Lahayd Ka Tagista Lionel Messi Ee Barcelona.

Jaume Llopis, oo hore uga tirsanaan jiray Guddiga Espai Barca oo iska casilay xilkiisa ka dib markii Lionel Messi uu ka tagay Barcelona, ​​ayaa sheegay in madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez iyo agaasimaha Barcelona Ferran Reverter ay Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ku qanciyeen in uu iska Fasaxo Lionel Messi xagaagan.

Llopis ayaa sheegay xitaa in uuna Laporta masuul ka ahayn Barcelona laakiin uu agaasimaha kooxdu kaga awood badanyahay kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

“Agaasimaha cusub ee Reverter ayaa masuul ka ah kooxda Barcelona, waxa aan ogahay in ay wax walba tahay in ay maraan Agaasimaha laakiin Laporta, waxba kama ahan kooxda”ayuu Llopis u sheegay Cadena SER.

“Agaasimaha ayaa Joan Laporta ugu Hanjbay is casilaadi hadii hadii uu Lionel Messi heshiis cusub saxiixo”.

“Laporta waxa cadaadis saaray Agaasimaha halka uu Florentino ku qanciyay in uu kooxda ka caydhiyo Lionel Messi oo uuna heshiis cusub ka saxiixan”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*