XASAASI: Real Madrid, Chelsea & Man City Oo La Kulmi Doona Ciqaabtii Ugu Horaysay Ee Uu Sabab U Yahay Tartanka Cusub Ee European Super League

Kooxaha Real Madrid, Man City iyo Chelsea ayaa u muuqda in ay noqon doonaan kooxaha ugu horeeya ee la kulmi doona ciqaabta UEFA kadib markii ay ku biireen tartanka cusub ee kubada cagta adduunka gil-gilay ee European Super League.

Jesper Moller oo ka mid ah Gudida xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa sheegay in uu Filayo in ay UEFA gabi ahaan tartanka champions League xilli ciyaareedkan ka reebto kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Man City sabab la xidhiidha tartanka European Super League.

Kooxo 12 ah oo ay ka mid yihiin chelsea iyo Real Madrid ayaa shalay ogolaaday in ay ka mid noqdaan tartan cusub oo la magac baxay European Super League kaas oo ay isugu imanayaan kooxaha ugu waaweyn adduunka.

UEFA ayaana ku hanjabtay in ay ganaaxyo la kulmi doonaan xiddigaha iyo kooxaha ogolaaday in ay ka mid ahaadaan tartanka European Super League kaas oo ay kooxo badan ku midoobeen.

Jesper Moller oo hogaamiye u ah xidhiidha kubada cagta Denmark ayaa sheegay in uu filayo in laga reebo tartanka Champions league kooxaha Chelsea, Man City Real Madrid xilli ciayareedkan.

3-daas koox ayaa iska xaadiriyay Semi-final-ka tartanka champions league xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay u muuqataa in ayna ciyaari doonin hadii ay UEFA Ka dhabayso Ganaaxa.

Jesper Moller ayaa sheegay in ay kooxahaas fishaan in champions league laga reebo maalinta jimcaha sida uu sheegay wargayska DR Sport.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*