XASAASI: Rashford Oo Xaqiijiyay Saxiixa Ugu Horeeya Ee Ay Man United Samayn Doonto

Marcus Rashford ayaa u muuqda boggiisa Twiter-ka ku xaqiijiyay in ku biirista Jadon Sancho ee Man United aad u dhawdahay.

Sancho ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ku biirayo Red Devils xagaagan, sanad ka dib markii uu burburay heshiiskiiskii uu ugu biirayay United sabab la xidhiidha in ay United bixin wayday qiimaha ay Dortmund ku qiimayso xiddiga.

Waxa la sheegay habeenimadii Salaasadii in ay Dortmund diyaar u tahay in ay aqbasho dalabka lacageed ee ay Man United miiska saartay ee 77-ka Milyan ah.

Mid ka mid ah Taageerayaasha Man United ayaa Twitter-ka ku qoray” Saxiixa Sancho ku dhawaaq Marucs”.
Rashford ayaa taageerahaas ugu jawaabay” Haa X”.

Fariintan waxa Rashford la waydiiyay 12:51 Habeenimo wakhtia Somaliya saacado kadib markii uu xulka England 2/0 ku garaacay xulka Germany iskana xaadiriyay 8 dhamaadka Euro 2020.

Rashford Sancho Manchester United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*