XASAASI: Qorshaha Liverpool Ee Saxiixa Kylian Mbappe Oo La Ogaaday, Maxay Damacsanyihiin.

Waxa isa soo taraya warar sheegaya in ay kooxda Liverpool xiiso dhab ah u qabto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga 2022 ilaa haatana heshiis cusub lama gaadhin kooxda reer France ee PSG.

Sida laga soo xigtay shabakada Sport Italia kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay mushahar waali ah u soo bandhigto xiddiga si ay ugu qanciso in uu u soo dhaqaaqo Anfield.

Warkan ayaa imanaya saacado kadib markii uu wargayska MARCA xaqiijiyay xiisaha Liverpool ee xiddiga iyo waliba in ay kooxda PSG wax ka waydiisay helitaanka xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaarinayso dalab lacageed oo kor u dhaafaya 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*