XASAASI: Neymar Oo Dhaawacmay Maalmo Yar Ka Hor Kulanka Ay PSG Ka Hor Tagayso Barcelona.

Waxa todobaadka dambe bilaaban doona kulamada wareega 16-ka ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan kuwaas oo si weyn loo sugayo.

Waxa isku aaday kooxo waaweyn kuwaas oo ciyaari doona kulamo xiiso leh waxana ay taageerayaasha kubada cagtu si weyn u sugayaan kulamada.

Habaarka Neymar ee kulamada bug baxa champions League ayaa wali sii socda xilli uu Xilli ciyaareedkiisu khatar ku jiro.

Xiddiga Neymar ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisu guusha 1/0 ah ka gaadhay kooxda Caen kulan ka tirsanaa Koobka France.

Xiddiga Neymar ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray wakhti hore oo ciyaarta ah kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaara.

Dhaawacan ayaa imanaya maalmo yar ka hor kulanka ay kooxda PSG la ciyaari doonto kooxda Barcelona lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions league.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*