XASAASI: Mudada Uu Thomas Partey Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa seegi doona kulamada ugu horeeya ee xilli ciyaareedka premier League kadib markii uu dhaawac kuraanta ah soo gaadhay sida uu shegayo wargayska Football.London.

Xiddiga reer Ghana ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay chelsea saaxiibtinimada kadib markii ay kubad ku loolameen xiddiga chelsea ee Ruben Loftus-Cheek.

Partey ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadii 39-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta tababare mikel Arteta ayaana sheegay ciyaarta kadib in uuna dhaawacu ahayn mid fiican.

Wargayska Football.london ayaa haatan sheegay in uu Partey seegi doono ugu yaraan laabda kulan ee ugu horeeya ee premier League ee ay la ciyaari doonaan kooxaha Brentford iyo chelsea.

Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal ku rajo weyntahay in uu xiddigu taam u noqon karo wixii ka dambeeya labadaas kulan inkasta oo ayna ogayn sida uu u qaadan doono daawaynta la siinayo xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*