XASAASI: Mbappe Oo Neymar U Sheegay Halka Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda in uu saaxiibadiisa kooxda PSG u sheegay in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid muddo dheer iyada oo la sheegayo in uu qaab xor ah ugu biiri doono Real Madrid xagaaga.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito Xiddiga Mbappe ayaa saaxiibadiisa PSG uguna horeeyo xiddiga Neymar u sheegay in uu xagaaga ku biiri doono kooxda Real Madrid.

Heshiiska Mbappe ee Real Madrid ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.

Real Madrid ayaa Mbappe aad u doonaysay suuqii xagaaga laakiin kooxda PSG ayaa diiday in ay iska iibiso xiddiga iyaga oo go’aansaday in ay sii haystaan xiddiga.