XASAASI: Man United Oo Wajahaysa In Dhibaco Laga Jaro premeir League, Sabab.

Kooxda Man United ayaa dhibco laga jari karaa maadama premeir League iyo sharciga FA-gu dhigeen in dhibco laga jaro kooxda ay taageerayaasheedu sababta u noqdaan in kulan la baajiyo.

Red Devils ayaa la ciyaari lahayd Liverpool Axadii 6:30 Wakhtiga Somaliya laakiin waxa la baajiyay kulankaas sabab la xidhiidha mudaharaadyo ka dhacay Old Trafford iyo taageerayaal jabsaday garoonka.

Ilaa haatan lama oga wakhtiga dib loo dhigay ee la ciyaari doono kulanka xilli dhamaadka xilli ciyaareedku dhawyahay waliba labada kooxoodba ciyaari doonaan kulamadoodii ugu dambeeyay.

ku dhawaad 200 oo taageerayaal ah ayaa jabsaday garoonka halka ay qaar kale ku mudaharaadayeen garoonka dibadiisa xilli ay xitaa taageerayaashu la dagaalameen ciidamada amaanka.

Xeerka FA-ga ee 8.3.4 Ayaa sheegaya in ay Man United sabab u tahay in uuna kulanku wakhtigiisii dhicin sidaas darteed waxa 3-da dhibcood ee kulanka la siin doonaa kooxda Liverpool.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*