XASAASI: Man City Oo Isku Diyaarinaysa Bixitaanka Pep Guardiola, Maxaa Cusub.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso bixitaanka Tababare Pep Guardiola kaas oo ay filayso in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Guardiola ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii 5-aad ee Man City iyada oo arin la yaab ah marka in ayna jirin koox uu Guardiola joogay wax ka badan 4 sano.

Heshiiska Tababare Pep Guardiola ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana la sheegayaa in ay Man City isku diyaarinayso bixitaanka tababaraha.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Man City bilowday raadinta tababare Cusub si ay ugu dhawaaqaan isla marka uu Guardiola xaqiijiyo in uu ka tagayo kooxda.

Si kasta ha ahaatee maamulka Man City ayaa wali ku rajo weyn in ay tababaraha heshiis cusub ka saxiixan karaan.

Sii Akhriso: Madaxweynah Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Golaha Wakiilada Ee 15-ka Sano Xilka Ka Haya Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*