XASAASI: Lionel Messi Oo Isaga Tagi Kara Kooxda Barcelona, European Super League Oo Sabab U Noqon Kara & Kooxda Uu Ka Fikirayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday

Xiddiga Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fikirayo inuu ka tago Barcelona kuna biiro Paris Saint-Germain sababo la xiriira ku lug lahaanshaha kooxda reer Catalan ee European Super League.

Mustaqbalka xiddiga reer Argentine ayuu shaki weyn ku jiraa tan ilaa xagaagii hore kadib markii uu isku dayay in uu kooxda ku qasbo in uu isaga tago kooxda.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha cusub ee kooxda Joan Laporta iyo tababare Ronald Koeman ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay si fiican uga hadlay xaalada xiddiga iyo in la filayo in uu Messi heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu xiddiga Lionel Messi haatan badalay go’aankiisa ku aadan mustaqbalkiisa Barcelona ee ahaa in uu heshiis cusub u saxiixo kadib markii ay kooxdiisu ku biirtay tartan cusub oo lagu magacaabo European Super League.

Inkasta oo uu tartanku haatan bur-buray hadana Lionel Messi ayaa aaminsan in ay kooxdiisu qaaday talaabo xun sidaas darteed uu doonayo in uu isaga tagayo kooxda Barcelona suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu Lionel Messi doonayo in uu ku biiro kooxda PSG kuwaas oo aan ka qayb ahayn kooxihii ku biiray tartanka muranka badan dhaliyay ee European Super League.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*