XASAASI: La Liga Oo Joojin Kara Heshiiska Is Dhaafsiga Ah Ee Antoine Griezmann & Saul Niguez

Xidhiidhka La Liga ayaa lagu soo waramayaa in ay baadhitaan ku wadaan heshiiska is dhaafsiga ah ee ay doonayaan in ay kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid isku dhaafsadaan xiddigaha Antoine Griezmann & Saul Niguez sida ay sheegayaan wararku.

Dalka Spain heshiisyada is dhaafsiga ah ayaan jirin laakiin labada kooxood ayaa is dhaafsada qiimaha lacageed ee lagu qiimeeyo xiddigaha ay labada kooxood kala doonayaan.

Arintan ayaa loo sameeyaa si loo hubiyo in ayna labada kooxood samayn wax hoos duisn ah dhanka lacagta madaxda La Liga ayaana heshiiska si gaar ah isha ugu hayn doona.

Idaacada Radio MARCA ayaa xaqiijisay arintan waxana uu sidoo kale wargayska El Partidazo de COPE sheegay in ay kooxda Barcelona la kulmi doonto khasaare dhaqaale hadii ay Griezmann ku iibiso lacag ka yar 72 milyan oo euro

Marka laga eego aragtida Barcelona, ​​ujeedka dhabta ah ee heshiiska ayaa ah in ay boos u banayso heshiis kordhinta Lionel Messi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*