XASAASI: La Liga Oo Barcelona Ka Diiday Diwaan Galinta Xiddigaha Cusub Ee Kooxda

Xidhiidhka La Liga ayaa kooxda Barcelona ka diiday diwaan galinta xiddigaha cusub ee kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Barcelona ayaa suuqa ka samaysay saxiixyo badan suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo xoojisay kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Lewandowski, Kounde, Raphinha, Kessie & Christensen kuwaas oo ay ku xoojisay kooxdeeda.

Kooxda Barcelona ayaa Maanta La Liga u gudbisay Liiska xiddigaha ay kaga qayb gali doonto xilli ciyaareedka cusub kuna jiraan xiddigaha cusub ee Lewandowski, Kounde, Raphinha, Kessie, Christensen iyo waliba xiddigaha ay heshiiska cusub ka saxiixatay ee Dembele, & S Roberto.

Laakiin La Liga ayaa Barcelona ka diiday in ay diwaan galisao 5-ta xiddig ee cusub iyo waliba labada xiddig ee ay heshiiska cusub ka saxiixatay.

La Liga ayaa Barceona u sheegay in ay iska iibiso xiddigaha kooxda qaar ka mid ah inta ayna diwaan galin xiddigaha cusub ee kooxda ku soo biiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*