XASAASI: Kylian Mbappé Oo Xaqiijiyay In Uu PSG Ka Dalbaday In Uu Ka Tago Kooxda Suuqii Xagaaga.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa xaqiijiyay in uu maamulka PSG ka codsaday in uu isaga tago kooxda suuqii xagaaga kuna biiro kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Kylian Mbappé suuqii xagaagii oo dhan laakiin kooxda PSG ayaa ku adkaystay in uuna xiddigu iib ahayn.

Mbappe ayaa xitaa xaqiijiyay in uu iska diiday heshiiskii cusbaa ee at PSG u soo bandhigtay si uu qalinka kugu duugo heshiis cusub si uu uga tago kooxda.

Mbappe oo la hadlaya RMC Sport ayaa yidhi”Waxaan weydiistay inaan baxo [bisha June] maxaa yeelay wakhtigaas ma doonayn in aan heshiis cusub saxiixo, waxa aan doonayay in ay kooxdu dhagaysato dalabyada ii imanaya, waxa aan doonayay Ixtiraam, kadib markii ay kooxdu diiday in aan boxo waxa aan go’aansaday in aan iska sii joogo”.

“Shaqsi ahaan Waa Ka Xumahay In Ay PSG Sheegto In Aan Donayo In Aan Boxo Maalintii Ugu dambaysay Suuqa Sababta oo ah warkaas ma ahan mid sax ah, waxa ay iga dhigeen Tuug oo kale, waxa aan u sheegay in aan doonayo bixitaankayga bilowgii bishii July”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa haatan ku jira bilihii ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda PSG Maadama uu heshiisku dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*