XASAASI: Kooxda Uu Lionel Messi Ku Biiri Doono Oo La Kashifay, Barcelona Wuu Ka Caraabi Doonaa.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Argentine ee Omar da Fonseca ayaa qarxiyay lama filaan ku saabsan mustaqbalka xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa ka tagista kooxda Barcelona iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

Kooxda PSG ayaa ku riyoonaysa in ay hesho saxiixa xiddiga Lionel Messi dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga reer Argentine ee Omar da Fonseca ayaana rumaysan in uu Lionel Messi ku biiri doono kooxda PSG.

Omar da Fonseca oo la hadlaya wargayska RMC ayaa yidhi”Wargaysyada Spain waxa aan ka akhriyay in isaga iyo qoyskiisa oo dhan bilaabeen barashada luuqada Faransiiska”.

“Lionel Messi waxa uu ku biiri doonaa PSG, Kawaran hadii uu kula guulaysto champions League kooxda PSG”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*