Waxa jira shaki weyn oo ku saabsan mustaqbalka Mohamed Salah xilli ciyaareedkan isaga oo ku jira bilihii uGu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda.
Qandaraaska Mohamed Salah ee Liverpool wuxuu dhacayaa June 30, 2025, sidaas darteed, waxaa laga yaabaa inuu bilaash ku baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan inkastoo uu muhiim u yahay tababaraha, Arne Slott.
Waxaa jira in ka badan hal koox oo doonaya saxiixa Mohamed Salah, gaar ahaan Saudi League, laakiin dhawaan magaca Paris Saint-Germain ayaa soo muuqday inkastoo madaxweynahooda Nasser Al-Khelaifi uu diiday inuu xiiseynayo saxiixa xiddiga.
Laakiin sida uu qabo wariye Romain Collet-Godin oo ka tirsan shabakada Euro Sport, Paris Saint-Germain ayaa si xun u doonaysa Mohamed Salah waxayna u soo bandhigtay mushaar dhan 500,000 sanadkii.
Halka Liverpool ay u soo bandhigtay heshiis kordhin laba xilli ciyaareed ah oo uu mushahar yar todobaadkii ka qaadanayo 400,000 euro, sidaas darteed dalabka Paris Saint-Germain ayaa haatan ka sarreeya.
Laakiin muhiimada Mohamed Salah sida uu had iyo jeer sheego waxa uu doonayaa in uu sii joogo kooxda Liverpool.
Be the first to comment