XASAASI: Juventus Oo Wadahadalo Kula Jirta Tababare Koox Weyn Oo Premier League Ah Si Ay Ugu Badalaan Max Allegri.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto tababaraha Tottenham ee Antonio Conte si ay ugu badalaan Max Allegri.

Juventus ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyada oo kaliya badisay 2 kulan 7-dii kulan ee ugu horeeyay ee ay ciyaartay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Juventus ayaa laga badiyay 2-dii kulan ee ay ciyaartay wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Maamulka Juventus ayaa isku diyaarinaya in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Max Allegri kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Juventus ayaa wadahadalo la bilowday tababareheedii hore ee Antonio Conte haatana hogaamiyaa kooxda Tottenham si ay ugu badalaan tababare Max Allegri

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*