XASAASI: Juventus Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Cristiano Ronaldo.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga ugu muhiimsan kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Portugal ayaa wakhti fiican ku qaatay Juventus 2 sano iyo badh uu joogay kooxda Ka dhisan Turin isaga oo dhaliyay 71 gool 95 kulan oo uu ciyaarya.

Si kasta ha ahaatee Wargayska Sport ayaa sheegaya in ayna maamulka Juvnetus doonayn in ay heshiis cusub u soo bandhigaan xiddiga 36 jirka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus doonayso in ay iska iibiso xiddiga xagaaga dambe si ay u dhimaan mushaharka kooxdu bixiso.

Xiddiga reer Portugal ayaa la sheeegayaa in uu helo 5 jibaarka mushaharka ay qaataan kooxda 1-aad ee Juventus taas oo xaalka ku adkaysay kooxda Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*