XASAASI: Inter Milan Oo Ugu Dambayn Barcelona Ka Afduubanaysa Lionel Messi & Wakhtiga Uu Ku Biiri Karo Oo La Ogaaday.

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyada oo idaacada RAI sheegayso in Aabaha dhalay Lionel Messi ahna Wakiilkiisu uu aadi doono Milan bisha August si uu wadahadalo ula qaato kooxda Inter Milan.

Inter Milan ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay Lionel Messi si xor ah ku hesho ka hor xilli ciyaareedka 2021/2022 marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Barcelona.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa haatan sheegaya in uu Aabaha Lionel Messi haatanba guri ka helay gobolka Porta Nova.

Kooxda Inter Milan ayaan ku cusbayn xiisaha Lionel Messi iyada oo muddo lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga 6-da jeer ku guulaystay xiddiga ugu fiican adduunka.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*