XASAASI: Hector Bellerin Oo Qarka U Saaran Inuu Ka Tago Arsenal xagaagan

Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkan la kulmay dhaleecayn xoan sidoo kale waxa uu ka baxay dookha 1-aad ee tababare Mikel Arteta isaga oo haatan ka dambeeya xiddiga Calum Chambers.

Xiddiga Cedric Soares ayaa sidoo kale ka horeeya Bellerin kulamadii ugu dambeeyay waxana xiddiga lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha PSG iyo Barcelona.

Haatan, Romano ayaa sheegaya in uu Bellerin raadsan doono tartan cusub suuqa xagaaga xilli ay Arsenal doonayso in ay la soo saxiixato daafac midig oo cusub marka uu dhamaado suuqa xagaaa.

Bellerin ayaa dhaliyay hal gool isla markaana caawiyay afar kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu seegay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxda Arsenal ee Premier Leageu.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*