XASAASI: Gareth Southgate Oo Qarka U Saaran In Laga Caydhiyo Shaqada Xulka Qaranka England.

Xidhiidhka FA-ga dalka England ayaa qarka u saaran in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha xulka ee Gareth Southgate sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Gareth Southgate ayaa shaqo fiican ka qabtay xulka qaranka Sanadihii ugu dambeyay isaga oo xulka ku hogaamiyay natiijooyin fiican oo uu ugu dambeeyay final-kii Euro 2020.

Laakiin xulka England ayaa sanadkan ku dhibaatoonaya kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo bar-baro ku dhaafi waayay Xulka Hungary iyaga oo hakiyay fursadohooda u soo bixista koobka adduunka.

Kadib bar-barii xulka England waxa soo baxay warar sheegaya in uu xidhiidhka FA-gu shaqada ka caydhin karo tababare Gareth Southgate kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalka xulka qaranka.

1 Comment

  1. Hala ceyriyo southgate maskas kufilan oo qaranka heyr sare ku gaarsiin karo malahan..
    Wa wxn ole micno dhaamin…😂
    No tactic
    No spirit
    No nothing …😂

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*