Donny van de Beek Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Man United

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa in uu warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Donny van de Beek ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii.

Xiddiga Donny van de Beek ayaa mar kale seegay kulankii Semi-final-ka ay ee ay Man United la ciyaartay Man City isaga oo daqiiqadiihii ugu dambeeyay soo galay ciyaarta.

Sidaas darteed wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu xiddigu maamulka kooxda u diray Warqada bixitaanka si uu kooxda uga tago suuqa January.

Donny van de Beek ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu qaab amaah ah uga tago kooxda Man United inta lagu jiro suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*