XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Ahaa Shaqo Ka Caydhintii Thomas Tuchel, Qaab Noocee Ah.

Chelsea ayaa maanta si lama filaan ah shaqada uga caydhisay taabbare Thomas Tuchel kadib markii telefoon 10 daqiiqo socday lagu caydhiyay tababare Tuchel.

Shaqo ka caydhinta Tuchel ayaa imanaysa kadib guuldaradii chelsea ka soo gaadhay Dinamo Zagreb kulan ka tirsanaa tartanka champions League.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in shaqo ka caydhinta Tuchel horay loo sii qorsheeyay isla markaas guuldaradu kaliya ahayd mid soo horumarisay shaqo ka caydhinta tababarka.

Sida laga soo xigtay Wargayska Metro, Cristiano Ronaldo ayaa door ka qaatay shaqo ka caydhinta tababare Thomas Tuchel.

Milkiilaha cusub ee chelsea Todd Boehly Ayaa suuqii xagaaga doonayay in uu saxiixiisa ugu horeeya ka dhigo xiddiga Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii saxiixiisa loo soo bandhigay.

Laakiin Tababare Thomas Tuchel ayaa Milkiilaha Boehly u sheegay in uuna doonayn saxiixa xiddiga reer Portugal taas oo khilaaf dhex dhigtay tababaraha iyo Milkiilaha Blues.