XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Loo Soo Bandhigo Ku Laabashada Kooxdiisii Hore & Faah-Faahinta Ku Saabsan Heshiiska.

Xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigo fursad uu ugu laaban karo Juventus ka dib markii wakiilkiisa Jorge Mendes la sheegay inuu u soo bandhigay xiddiga reer Portugal ku laabashada kooxda reer Italy.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa kaliya ka tagay garoonka Juventus Stadium xagaagii hore isagoo ku soo laabtay Old Trafford, Inkasta oo uu soo qaatay xilli ciyaareed guulaystay shaqsi ahaan kadib markii uu Ronaldo dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Man United ayaa kaalinta 6-aad kaga dhamaystay premie League xilli Red Devils soo qaadatay xilli ciyaareedkii ugu xumaa taariikhda kooxda dhinaca dhibaha.

Dhanka kale xiddiga Ronaldo ayaa ka wal-walsan dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga kooxda Man United taas oo keeni karta in uu isaga tago kooxda hadii ay samayn waydo saxiixyo ay ku horumariso kooxda.

Sida laga soo xigtay Sport, Wakiilka Ronaldo ee Mendes ayaa Juventus u gudbiyay dalab ku saabsan xiddiga 37 jirka ah iyo ku laabashadiisa Turin.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna Juventus gabi ahaan meesha ka saarin suurtagalnimada ah soo laabashada xiddiga inkasta oo uu shaki ka jiro dhamaystirka heshiiska.

Wararka ayaa intaas raacinaya in uu Ronaldo diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu biiro kooxda Juventus isaga oo noqon kara xiddigii 2-aad ee Man United ee Juventus ku biira xagaaga kadib Paul Pogba oo qarka u saaran ku biirista Juventus.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*