XASAASI: Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Frank Lampard Kadib Guuldaradii Man City

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Frank Lampard sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa ka mid ahayd kooxaha u tartami kara premier League bilowgii xilli ciyaareedka laakiin kooxda ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigtay kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo laga badiyay 4 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Caasimada ayaa kaliya hal guul gaadhay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka iyaga oo haatan ku jira kaalinta 8-aad.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in shaqada Lampard ay ku jirto halis xoogan iyada oo chelsea doonaysa in ay shaqada ka caydhiso tababaraha kadib guuldaradii 3/1 ahayd ee ka soo gaadhay Man City.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Maamulka chelsea haatanba raadinayaan badalkiisa kadib markii ay kooxdu suuqa galisay lacag waali ah xagaagii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*