XASAASI: Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Cristiano Ronaldo & Joan Laporta Oo Haatanba Dajiyay Qorshihii Uu Ku Keeni Lahaa Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah uga fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa sagaal sano la qaatay kooxda ay xafiiltamaan Blaugrana ee Real Madrid ka hor inta uusan u wareegin Juventus 2018, laakiin mustaqbalkiisa Old Lady mugdi ku jiraa.

Ronaldo ayaa ku fashilmay in uu Juventus ku hogaamiyo horyaalka Serie A-da ama Champions League xilli ciyaareedkii dhamaaday heshiiskisia ayaana dhici doona 12 bilood kadib waxana lala xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay Diario AS, madaxweynaha Barca Joan Laporta ayaa si aad ah u doonaya inuu arko Ronaldo iyo Lionel Messi oo hal koox ka wada ciyaaraya, waxana uu bilaabay qorshe uu ku dajinayo in uu xiddiga reer Portual ku yimaado Camp Nou.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona Diyaar u tahay in ay heshiiska ay Ronaldo ku doonayso ku darto midkood xiddigaha Sergi Roberto, Philippe Coutinho iyo Antoine Griezmann si ay u helaan saxiixa xiddiga.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*