XASAASI: Barcelona Oo Isku Dayday In Ay Lionel Messi U Diido Ku Biirista PSG, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dacwad ka gudbisay xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA si ay Lionel Messi uga hor istaagto in uu qaab xor ah ugu biiro kooxda PSG suuqa xagaagan.

Barcelona ayaa ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato Lionel Messi waxana la rumaysanyahay in uu xiddiga reer Argentine aqbalay ku biirista kooxda PSG.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Barcelona isku dayday in ay PSG ka hor istaagto la wareegista xiddiga Halyeeyga u ah kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa UEFA u dirtay dacwad ay ugu sheegayso in ayna PSG la saxiixan karin Lionel Messi sabab la xidhiidha in ay jabinayso xeerka dhaqaale wanaaga.

Laakiin Barcelona ayaa u muuqata in ay ku fashilantay isku daygaas maadama ay PSG ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Argentine.

Sii khriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*