XASAASI: Barcelona Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Ronald Koeman

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u go’aamisay in ay shaqada ka caydhiso tababare Ronald Koeman kadib natiijooyinka xun ee ay kooxdu keentay wakhti xaadirkan.

Barcelona ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Granada kulan ka tirsanaa todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Koeman.

Kooxda ayaa sidoo kale guuldaro la kulantay kulankii furitaanka ee Champions League iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Bayern Munich.

Koeman ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Barcelona xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Wargayska Sport ee ku dhaw kooxda Barcelona ayaa sheegay in ay maamulka Barcelona go’aamiyeen in ay iska cadhiyaan tababaraha reer Holland.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku dhawaaqi doonto shaqo ka caydhinta tababaraha isla marka ay helaan tababaraha badalkiisa ah ee hogaamin doona kooxda.

Sii Akhriso:Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*